Dhageyso Madaxweyne Xasan sheekh oo ku soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib maamlo uu Hawlo shaqo uu u joogay Garowe

0
50

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ka dib markii maalmo booqasho uu ku joogay Magaalada Garowe .

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne kuxigeenka Puntland, xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, Wasiir iyo Xildhibaano ayaa ka sa  sagootiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud garoonka diyaaradahaMagaalada Garowe.

Madaxweyne โ€˜ Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Garore kulamo Siyaasdaeed ah la yeeshay Madaxweynaha Puntland, kaas oo ay diirada saareen dhameynta madmadowga labadadhinac , kaddib doorashadii Madaxweynaha ee 15kii May, taas oo Siciid Deni ka tirsanayo Madaxweynaha DFS inuu uga baxay ballan ay wada galeen doorashadii kahor.

Sidoo kale, Kulamada labada Madaxweyne ayaa la isla soo qaaday xoojin wada shaqeynta DFS iyo Puntland, mashaariicda iyo dhaqaalaha iyo arrimo kale, kuwaas oo qaarkood lagu heshiin waayay.

Dhinaca kaleโ€™ , MadaxweynahaJamhuuriyada  Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni martigelin shir ay isugu imaanayaan Madaxda DFS iyo Dawlad Gobaleedyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inuu aqbalay dalabka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo uu iclaaminayo Madaxweynuhu dhowaan, waxaana qabashadiisu ay kusoo aadaysaa xili uusan wanaagsaneyn xariirka Villa Somalia iyo qaar kamid ah madaxda dawlad gobaleedyada.

Sidee loo Arkaa Safarka Natiijo la’aanta ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Magaalada Garowe ?

Hadaba arintaas waxaa ka hadlaya Siyaasi Cali Xisbi:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here