Dhawaqa Madaafiic ayaa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir Waxana ay ku dhaceen Guryo ay deganaayeen dad Shacab ah oo kuyaalla Xaafadda Casa Italia iyo agagaarka Iskuulka Wiilwaal ee Degmada Boondheere.
Goob jooge ayaa sheegay in ilaa Saddex ruux ay ku dhinteen saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo gurigooda uu hoobiyaha ku dhacay oo ku yaala Degmada Xamarweyne.
Goob joogayaha Sidoo kale sheegay ‘ in 3da Ruux ee geeriyootay laba ka mid ah dhaawacooda oo aad u cuslaa ay Isbitaalka ku geeriyoodeen, halka qofka kale Isla goobta uu hoobiyaha kusoo dhacay uu ku geeriyooday.
Guri ku yaalla Agagaarka Iskuulka Wiilwaal ee degmada Boondheere ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Afar Ruux, Sidoo kale ‘ agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon uu ku dhacay Hoobiyaha Saddexaad, kaas oo aan qarxin.
Ma jirto’ ilaa hadda Cid sheegatay Mas’uuliyada Madaafiicda ku soo dhacday Xaafadaha Qaar ee Magaalada Muqdisho.