Wararkii Ugu dambeeyay khasaaraha ka dhashay Madaafiic saakay ku dhacday Xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho

0
29

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay Hoobiyayaal saakay Aroortii hore ku soo dhacay qeybo kamid ah xaafaddaha magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay  4 Ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyooday Halka dad ka badan 15 ruuxna ay ku dhaawacmeen Madaafiicdaas oo kusoo dhacday dagmooyinka Boondheere iyo xamarweyne.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda wararkan, inkasta oo Al-Shabaab ay inta badan sheegato mas’uuliyadda weerarrada noocaan oo kale ah.

Hay’addaha amniga kama hadlin duqeyntan, inkastoo mar walba ay ku eedeeyan Alshabaab inay hoobiyayaasha kusoo tuurto xaafaddaha shacabku degen yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here