Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo la kulmay Wafdi ka socday Safaarada Norway ee Soomaaliya

0
31

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay wakiilo heer sare ah oo ka socda safaaradda Norway ee Soomaaliya.

Wakiilada ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya waxaa hogaaminayay Madaxa Safaarada Mr. Haakon Svane, waxaa looga wada hadlay Arrimaha Xasilinta, Dib-uheshiisiinta iyo Barnaamijyada horumarinta ee Dowlada Norway ay ka wado Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda Norway ka qaadatay Arrimaha Xasilinta iyo Dib-uheshiisiinta,dhismayaasha dawladaha hoose isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawlada Norway.

May be an image of 3 people, people standing and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here