Alshabaab oo kordhisay Weerarada ay ka geysato gobolada Hiiraan iyo Galgaduud

0
31

Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka gaysteen deegaanno ka tirsan goballada Hiiraan iyo Galgaduud, ayaa la sheegay inay ku burburiyeen ceelasha biyaha iyo xarumaha shirkadaha Isgaarsiinta.

Weerarada Alshabaab ayaa lagu Tilmaamay cadaadis ay Al-Shabaab saarayaan dadka deegaannadaas si dantooda u gaaraan.

Dhacdooyinkaana ayaa waxay kusoo beegmayaan xilli ay jirto abaar kulul oo ay adag tahay in biyo la helo.

Sidoo kale, dhawaan ayey aheyd markii Al shabaab ay qabsadeen hotel Xayaat oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyagoo halkaasi ka sameeyey is qarxin iyo dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here