Alshabaab oo la sheegay in ay Gubeen Gaadiid ay saarnaayeen Dad shacab ah

0
24

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ku dhawaad 17-ruux oo musaafur ah oo isugu jiray Haween, Caruur, dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay Al-shabaab kala degeen gaadiidkii ay saarnaayeen ayaa waxay la sheegay in ay ku dileen deegaanka Afar Irdood oo qiyaastii 35km jirta magaalada Beledweyn.

Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab in ay sidoo kale, dab qabad siiyeen dhammaan gaadiidkii ay dadkaasi kala dageen.

Alshabaab ayaa muddooyinkii dambe dilal ka waday degaano ka tirsan gobolka Hiiraan xilli weerar ay kala kulmayaan Ciidamada dawlada Federaalka oo garabka ka helaya Ciidanka Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here