Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mas’uuliyiin kale oo ka qaybgashay Aaska Janaasada Hooyada Dhashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed+ Sawiro

0
37

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tukaday salaadda janaasada Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq oo ahayd hooyadii Madaxweynihii 7-aad ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda janaasada kaddib murugada la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle, isagoo kulan la qaatay Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

โ€œAlle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, waxaan Alle uga baryaa in uu hoygeeda ka yeelo jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo dhammaan qoyska iyo ehelka ay ka geeriyootay marxuumadduโ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa kala qeyb-galay tukashada Salaadda Janaasada ee Marxuumadda, Raโ€™iisul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaareyaal hore Maxamed Xuseen Rooble, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo mas’uuliyiin ka socday labada Gole ee Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here