Mareykanka ayaa sheegay in iyaga oo kaasshanaya Ciidanka Xoogga Dalka ay beegsan doonaan Shabaabka ka dagaalama gobalka Hiiraan, kuwaas oo Abaabulaya Weerar ka dhan ah Ciidamada Dawlad Federaalka Soomaaliya iyo Dadka shacabka
War lagu baahiyay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay, inay si dhow ula socdaan guulaha laga gaaray dagaalka Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka, iyagoo sheegay in aysan Al-Shabaab ku guuleysan doonin rabshadaha ay wadaan gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka Soomaaliya .
“Mareykanka wuxuu si dhow ula socdaa dagaalka #Hiiraan iyo guulihii adkaa ee ay gaareen ciidamada @SNA iyo kuwa deegaanka. Rabshadaha xagjirka ah kuma guuleysan doonaan Hiiraan, #Muqdisho, iyo meel kasta oo # Soomaaliya ah ayaa lagu yiri warka la soo dhigay Barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.”
Tallaabadaan ayaa imaaneyso iyadoo Alshabaab ay dileen Dad Gaaraya ilaa ilaa 21 Ruux oo shacab ahaa islamarkaana ay gubeen Gadiid ay la socdeen waxaana xasuuqaan uu ka dhacay degaan hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.