Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre oo Cambaareeyay Weerarkii Alshabaab ay ka geysteen Gobolka Hiiraan oo ay ku laayeen Dad shacab ahaa

0
34

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada al—Shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi — waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii – dadkaasi aan waxba galabsan ee cadawgu sida arxan darrida ah u laayay – isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here