Shirka Baarlamaanada Afrika oo la soo gabagabeeyay iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya

0
36

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa ka qayb galay xiritaankaย  shirweynaha 11-aad ee guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi  buuxa oo dhexmara dowladaha ku bahoobay madashan, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyay  la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda oo iskugu tashi ka yeelata  cunna yarida aduunka soo wajahdey iyo  sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxay  shirkan u dhexeeyey Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika.

Gabagabadii ‘madaxda shirka ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortagoย  abaaraha soo noq noqdayย  iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here