Tirada Dadkii ay Alshabaab ay ku dileen Gobolka Hiiraan oo korortay

0
34

Ilaa iyo 21 qof oo shacab ahaa ayaa lagu dilay duleedka magaalada Baledweyne ka dib markii Al-Shabaab ay sagaal baabuur oo rakaab ah iyo badeecado kala duwan u siday degmada Maxaas ay ku gubtay deegaanka Afar Irdood.

Dadka dhintay waxaa ku jira 18 qof oo ka mid ahaa rakaabka gaadiidka la gubay halka saddex qof kalena ay dhinteen ka dib markii gaari ay saarnayeen miino kula qaraxday meel u dhow deegaanka ay Al-Shabaab ku gubtay gaadiidka sida uu warbaahinta u Xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo sheegatay in ay beegsatay maleyshiyaadka Macawusley loo yaqaan ee dhowaanahan Alshabaab la galay dagaal adag oo ka dhacay qeybo ka mid ah Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here