Alshabaab iyo Kooxda Macawisleey oo ku dagaalamay degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan

0
25

Faah Faahino ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan maanta  ku dhexmaray deegaanka Geedweyne oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maleeshiyada Macawiisleeyda iyo Xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dadka deegaanka ee is abaabulay ay weerar xoogan ku qaadeen fariisin ay Shabaab ku lahayeen deegaanka Geedweyne, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad xoogan oo lasoo wariyay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Geedweyne ayaa la sheegay inuu ahaa mid socday hal saac oo xiriir ah, islamarkaana la isku adeeegsaday hubka noocyadiisa, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada saakay ku dagaalamay deegaanka Geedweyne ee Al-shabaab iyo Macawiisleey oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here