Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane, Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Ahmed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa la kulmay u qaybsanaha Hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason.
Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay sida ay UNDP u taageeri lahayd howlaha hor-tabinta u leh wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo ay ugu horreeyan dhammaystirka Dastuurka iyo Sarraynta sharciga.
Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ee horyaalla Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka.
Sidoo kale U qaybsanaha Hay’adda UNDP Soomaliya Joceleyn Mason ayaa ballanqaaday in ay ka taageri doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka arrimaha mudnaanta u leh.




