Midowga Afrika oo Ergay Cusub U Soo magacaabay Soomaaliya

0
29

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika , Mousa Faki t, ayaa Mohamed El-Amine Souef u soo magacaabay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Waxaana uu bedelay Francisco Madeira oo bishii April ee sanadka dalka ka ceyriyay Raโ€™isul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Mohamed El-Amine Souef oo dhashay dalka Kamaros ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, wasiirka arrimaha dibadda, danjiraha Kamaroon ee Masar, Qaramada Midoobay  iyo wakiilka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale, wuxuu soo noqday xubin baarlamaan iyo la taliye madaxweyne.

Mohamed El-Amine Souef ayaa hadda ahaa madaxa xafiiska magaalada Gao ee howlgalka Qaramada Midoobay ee MINUSMA  ee dalka Mali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here