Taliska Howlgalka Midowga Afrike ee ka socda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ay ku xasuuqeen Dadka shacabka ahaa kaas oo ka dhacay inta u dhexeysa Wadada Xiriirasa Degmooyinka Maxaas iyo Beledweyn ee gobolka Hiiraan.
War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalkaATMIS ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada loo geystay dadkasi shacabka ahaa, iyagoo tacsi u diray ehelada dadka geeriyooday.
ATMIS waxaa ay sheegtay in ay ka go’antahay inay la shaqeeyaan ciidamada Hay’adaha Amaanka ee Dawlada Federaalka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya.
“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
ATMIS ayaa Xarumo ku leh degaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan waxaana Xarumahaas ku sugan Ciidamo Jabuutiyaan ah oo ka Tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS