Alshabaab oo Fagaare ku yaala Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ku dilay Dad ay ku Eedeeyeen Basaasnimo

0
22

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ayaa sheegaya in fagaare ku yaala degmadaasi ay Shalay galinkii dambe ku toogteen Al-shabaab rag ay ku eedeeyeen iney ahayeen Jaajuusiin la shaqeynaayay dowladda Mareykanka.

Ragga Al-shabaab ay ku toogteen fagaaraha ku yaala degmada Jilib ayaa ahaa ilaa shan nin oo ay Shabaab ku sheegeen iney ka dambeeyeen duqeymo diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka mid ahaa dagaalyahanada Al-shabaab.

Shanta ruux ee toogashada ku fuliyeen Al-shabaab ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Cabdi Isxaaq, Cali Maxamed Cabdi, Qadar Khaliif Yoonis, Xudeyfi Cabdirisaaq Xasan iyo Maxamed Bile Xasan, kuwaas oo ay Maxkamada Shabaab fagaaraha ka sheegtay inay qirteen falalka lagu eedeeyay ee ahaa Jaajuusnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here