Ciidamada Puntland oo Hawlgalo ka sameeyay Buurta Calmadow ee Gobolka Bari

0
31

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish, ka Sameeyeen buuraleyda Calmadow, oo muddo dheer  ay ku sugnaayeen.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada PMPF Puntland ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya Ciidanka sirdoonka gaarka ah ee Puntland (PISF), ay hawlgallo ka fuliyeen deegaanada Ceel-dibir, Majiyahan, Ceel-kharaar, Dhadhaabo iyo Macag oo ku teedsan buuraleyda Calmadaw.

Ciidanka PMPF ayaa sheegay in hawlgalkooda ay ku qabteen xubno ka Tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo qaabilsanaa fududeynta saheyda.

โ€œHawlgalka ayaa lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo u fududeeya Sahayda (raashinka), waxaana gacanta ciidanku ku dhigeen gaadiidkii ay adeegsan jireen.โ€ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay PMPF Puntland

Sidoo kale, Taliska PMPF Puntland ayaa sheegay in ay sii socon doonaan hawlgalladan oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada kala duwan ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here