Dagaal U dhexeya Alshabaab & Kooxaha Macawileeyada oo ka Tirsan Dad Degaanka oo markale ka dhacay degaano ka tirsan gobolka Hiiraan

0
28

Dagaallo u dhaxaya malayshiyaadka Alshabab iyo dadka degaanka ayaa mar kale dib uga qarxay qeybo ka mid ah degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dagaal culus oo u dhaxeya dadka deganaka iyo Alshabab ayaa shalay galinkii dambe ka dhacay degaanka Ceeleey oo qiyaastii 19km bari ka xigta Maxaas , waxaana ku dhintay ku dhawaad 13 qof oo laba dhinac ah, Sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliska Ciidamada Militriga iyo kan booliska gobalka Hiiraan ayaa ku sugan inta u dhaxeya degmooyinka Baledweyne, Maxaas iyo Buloburte.

Arintaan ayaa Imaaneysa Xilli maanta Ciidamada dowlada ay maanta la wareegeen  Tuulada Dabayoodle oo hoostagta degmada Buloburte, halkaas oo Alshabab ay ku leeyahiin bar-kantarool oo canshuuraha ay ku qaadi jireen.

Xiisado ayaa ka jiray Wadada  u dhaxeysa degmooyinka Baledweyne iyo Buloburte ee gobplka Hiiraan waxaana saameeyn ay  ku yeelatay gaadiidka xamuulka iyo kuwa qudaarta ee isaga kala gooshi jiray  gobolka Hiiraan M

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here