Dhageyso: Ra’iisal Wasaare Xamsa oo dagaal Ciidanka dawlada ay ku qaadeen degaanka Basra iyo Dadkii lagu dilay degaano ka Tirsan gobolka Hiiraan

0
35

Raโ€™isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomalia Xamsa Cabdi Barre ayaa waxa uu ugu horeyn ka hadlay falkii Alshabaab ka geesteen deegaanka Afar irdood ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo shabaabka ay ku dileen dad ka badan 20 Ruux oo caruur iyo haween ay kujireen.

Raโ€™isul wasaarahga ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii halkaasi lagu laayay isagoona sheegay in dowladda ay garab taagantahay dadka deegaannadaasi ku nool ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Dhinaca kale Raโ€™isul wasaare xamza ayaa ka hadlay weerarkii saakay ciidamada dowladda ay ku qaadeen deegaanka Basra ee Gobolka shabeellada Hoose oo ay ku tiilay maxkamad ay Alshabaab ka wici jirtay dadka ku nool Muqdisho .

Raโ€™isul wasaaraha ayaa sheegay in uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Alshabaab isagoona ku baaqay in la midoobo dagaalka lagula jiro alshabaab ee ka socda gobollada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here