Qaar ka mid ah Ururada Siyaasada Puntland oo ka horyimid Doorasho ka dhacday Degmada Eyl

0
25

Ururada Siyaasadda Puntland ayaa diiday hannaanka loo maamulay doorashadii guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Eyl oo uu ku guulaystay urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah.

Afar kamid ah ururada siyaasadda Puntland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah uu boob ku sameeyay doorashadii guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Eyl.

Waxay sheegeen in boobka lagu sameeyay doorashadii Ayl uu dhaawac aan laga kaban karin ku yahay rajadii laga qabay in degaannada Puntland laga hirgeliyo doorashooyin ku salaysan hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod.

Sidoo kale waxay ururrada siyaasadda ee ka jira Puntland iyo daneeyaasha arrimaha doorashooyinkan ugu baaqeen in la isu gu yimaado shir wada-tashi oo lagu badbaadinayo barnaamijka xisbiyada badan ee Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here