Qaramada Midoobay oo sheegtay in Malaayiin soomaali ah ay kharka u saaran yihiin Macluul

0
29

Madaxa arrimaha baniiโ€™aadanimada ee Qaramada Midoobey Martin Griffiths, ayaa sheegay in deegaanno kamid ah Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin inay ku habsato xaalad macluul ah.

Xilli uu shir jaraaโ€™id ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu sheegay inay jiraan waxyaabo muujinayo in macluul ay saameyn doonto qeybo kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya inta u dhexeyso October iyo December.

Madaxa arrimaha baniiโ€™aadanimada ayaa dhawaan booqasho ku tegay magaalada Baydhabo oo kamid ah deegaannada ay sida weyn u saameeyeen abaaraha haatan ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Wuxuu sheegay in uu ka naxay heerka ay gaarsiinsan tahay dhibaatada iyo xanuunka heysta dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here