Taliyaha qeeybta 27 aad ee ciidamada xooga dalka somaliyed Jeneraal Tawane Amed Gureey iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xooga ayaa kormeeray goobihii dhawaan ay ciidamada qalabka side ee somaliya kala wareegeen Alshabaab
Taliyaha ayaa goob fagaaro ah kula hadlay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee argagixisada ka xoreeyay degaanno katirsan Gobolka Hiiiraan,isagoona ciidamada uga mahadceliyay howsha naf-hurnimada leh ee ku difaacayaan Shacabka Soomaaliyeed & in Alshabaab laga saaro guud ahaan dalka.
Taliyaha waxaa wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte oo uu ku amanayo howlgaladi ka dhacay gobolka ee lagu ciribtirayay Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab


