Shir u dhaxeeya Wasiirada Maaliyadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta ka Furmay Muqdisho.

0
19

Shirkan ayaa looga hadlayaa nidaamka maaliyadda dalka iyo gadoodkii Wasiirada Maaliyadda Dawlada Goboleedyada ee sababay inay wadajir ugu dhawaaqaan joojinta wada shaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa gudoominaya shirkan, waxaana ku sugan dhamaan wasiirada Maaliyada dowlad goboleedyada oo shirkan u yimid magaalada Muqdisho, iyadoo gaba-gabada shirka laga soo saari doono war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobada ka soo baxa shirka.

Si kastaba, shirkan ayaa noqonaga kii u horeeyay ee ay isugu yimaadaan wasiirada maaliyada dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana qabsoomida shirkan sabab u ahaa goโ€™aankii cuslaa ee ay qaateen shanta maamul gobleed, kaasoo buuq hor leh ku furay dowladda dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here