Wararkii Ugu dambeeyay dagaalkii maanta ka dhacay Degaanka Basra ee Gobolka shabeelaha Dhexe

0
32

Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in in dagaal culus  oo u dhexeeya Ciidanka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Basra iyo Beerta Cali Mahdi.

Dagaalkan ayaa Bilowday ka dib markii Ciidamada Haramcad iyo kuwa Duufaan ee ka midka ah Hay’addaha Amniga dawlada Federaalka Soomaaliya ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Basra oo Al-Shabaab ay ka furatay Maxkamad ay ugu yeerto dadka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, oo soo kala gaaray Ciidanka dawladda iyoShabaabkii la weeraray . Ciidamada ayaana muddo kooban  la wareegay deegaanka lagu dagaalamay.

Hawlgalkan Ciidanka Haramcad iyo Duufaan ay ku beegsadeen Maxkamadda Al-Shabaab ee Basra ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu wacad ku maray inuu talaabo ka qaadayo Alshabaab, kaddib weerarkii ay ku dileen dad ka badan 20 ruux oo ka dhacay gobolka Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here