Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan ku qaaday ku Fariisimo Al-shabaab ay ku lahayeen gobolka Shabellaha Hoose.
Kumaandooska Gor-gor ayaa Howlgalka ku dilay ku dhawaad 14 Xubnood oo ka tirsan Al-shabaab iyo madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa degaannada Bariire, iyo Tooratorow
CiidankaDawlada ayaa la sheegay in ay ku guuleesteen in ay dhamaan bur-buriyaan Xaruumihii Al-shabaab ay ku lahayeen degaannadaas.