Daawo: Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo shaaciyay Tirada Lacagihii ay iska jareen Golaha wasiirada ee Abaaraha loogu talagalay

0
25

Wasiirka Arrimaha gudaha eeXukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ooo akhriyay war saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda ayaa sharaxay tallaabooyinkii ay dowladda ka qaadday abaaraha.

Warka ka soo baxay wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Falcelin u ah eedeymo loo jeedinayo dowladda oo ku saabsan in ay gacan bidxeysay ka jawaabista abaaraha, kana horumarisay arrimaha siyaasadda ayaa soo soohadal qaaday dhacdooyinkii hore iyo talaabooyinkii ay dowladda ka qaadday abaaraha.

Wasiirka ayaa sheegay ayaa sheegay  in goaankii bishii diseembar 2021 golaha wasiiradda mushaarkooda looga jaray boqolkiiba 20% uu haatan mirodhalay, lacagtiina ay ururtey, gaartayna $750 kun oo doolar.

Wuxuu kale uu Tilmaamay wasiirka in ay dowladda qeybisay raashiin gaaraya 3.5 kun oo tan , iyada oo todobaadkii ugu dambeeyay oo keli ah la direy 50 tan oo raashiin ah.

Halkaan Hoose ka Daawo shirka Jaraa’id ee wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here