Dagaal ka socda Degaano ka Tirsan Gobolka Galgaduud

0
29

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Ciidamo deegaanka ah iyo Xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Dhuumoodle oo u dhow degaanka Cadakibir oo hoostimaada degmada Baxdo Gobolka galgaduud.

Al-shabaab ayaa Ficilo isugu jira dilal iyo gubida Ceelal iyo Xarruumo Isgaarsiineed ka waday deegaannada hoos yimaada degmada Baxdo, taasi oo sababtay in dadka shacabka ah, si iskood ah isu abaabulaan.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud Al-shabaab ay Xalay gubeen guryo dad shacab ah daganayeen oo ku yaala tuulooyin dhowr ah oo hoostaga deegaanka Baxdo.

Al-shabaab ay gubay  Degaanada kala ah Biyo deys iyo meegaag duub oo qiyaas ahaan Baxdo u jira illaa 20KM, waxaana wararka intaa ay ku dareen Xubnihii ka Tirsanaa -Shabaab ee gubay Guryaha Dadka ay dib ugu laabteen Goobihii ay ka tageen markoodii hore, iyadoo dadkii deganaa guryaha la gubay ay yihiin kuwo banaan cidlo ah jiifa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here