Ilaa iyo 1 Askari oo ka tirsanaa ciidamada Dawlada ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen Dad gaaraya 9 qof oo u badan dad shacab ah oo goobta ku sugnaa.
Ismaaciil Cabdullaahi Aadan oo ah gudoomiye kuxigeenka dhanka Amniga dagmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay baaxada khasaaraha ka dhashay qaraxa oo ka dhacay goob suuq oo Dadka ay ka Adeegtaan.
Sidoo kale waxaa meesha ay wax ka dhaceen gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo goobta howlgallo kooban ka sameeyey, kadib qaraxaas.
Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ayaa waxaa inta badan weeraro ku fuliya Al-Shabaab oo weli ku sugan deegaanno duleedka ka ah degmadaasi.