Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay 3-dii xubnood ee ka dhinaa guddida doorashooyinka, xubnahan oo ay hore u diideen.
70 xildhibaan oo soo xaadiray kalfadhiga maanta ayaa dhamaantoodba gacanta u taagay Muuse Xasan Yuusuf, Axmed Cismaan Xasan iyo Axmed Yuusuf Maxamed, oo kamid noqon doona Guddida Doorashooyinka Somaliland.
Qaar kamid ah golaha wakiilada somaliland ayaa lahadlay ansixinta kadib warbaahinta
Ansixinta xubnaha gudiga doorashooyinka somaliland ayaa Timid kadib soojeedintii guddida dhexdhexaadinta ee 25 August.