Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Degaanka Cadda Kibir ee Gobolka Galgaduud oo la kulmay Bulshada Degaankaasi

0
22

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay Alshabaab ay ka jareen isgaarsiinta ayna Gubeen matoorada Ceel Biyoodka degaankaasi , kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ka dhageestay Warbixino gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan kooxda Argagixisada oo caadeesatay boobka hantida dadka iyo daadinta dhiiga shacabka, iyadoona iminka ay ku sii dareen in ay ceel biyoodyada miinooyin ku qarxiyaan xilli abaar baahsan ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here