Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida ee dawladda Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday labo Askari, kuwaas horey si arxan-darro ah u dilay labo qof oo shacab ah.
Labada nin ee xukunka lagu riday oo lagu kala magacaabo Guled Xamse Maxamed iyo Cabdiweli Jaamac Xersi, ayaa lagu helay inay si bareer ah ugu dileen deegaanka Bariire Maxamed Cabdiladiif Jiir & Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, oo ahaa beeraley.
Sidoo kale, Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ayaa saddex sano oo xarig ah ku riday Maxamed Isaaq Guuleed oo ahaa Askari, lana socday Raggan xilligii uu dilku dhacayay.