Madaxweynaha dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabeeyay la tashiyo la xiriira magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho
Madaxweyne Xasan sheekh ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu watashiyo la sameeyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ‘ Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka Tirsan Xisbiga UPD ee isaga uu ka tirsan yahay.
Wararka ayaa sheegay in la tashiyada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada uu la sameeyay Madaxda Xukuumadda iyo Xisbiga UPD ay noqotay in Gobolka Banaadir loo soo magacaabayo shaqsi hore loo soo tijaabiyay oo Madaxweyne Xasan sheekh ka wada Tirsan yihiin Xisbiga UPD ‘ waxaana shaqsigaasi loo saadaalinaayaa in uu noqdo Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo saaxiibo dhow ay yihiin Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud hore u soo noqday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho inkasta oo wax walba ay isbedeli karaan hadana warar ay heleyso Warbaahinta Gobolada.com ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho loo magacaabayo mudane Yuusuf Jimcaale Madaale