Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in Xalay uu dagaal xoog leh dib uga qarxay degaan hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Degaanka uu dagaalkani Xalay ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Ceeley, wuxuuna 28-KM bari ka xigaa degmada Maxaas gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Shabaab ay kala wareegeen Degaano hoostaga Degmada Maxaas Xubno badana ay ka dileen halka Sidoo kale Alshabaab ay guul ka sheegteen weerarkaasi islamarkaana Tilmaameen in ilaa iyo 50 oo ka tirsan kooxaha macawisleeyda ay ku dileen dagaalka .
Ma jirto ila ka madax banaan labada dhinac oo xaaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay iyo goobaha la kala joogo .