Dhageyso: Gudoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka ah ee Ex Banaadir oo Hambalyo u diray Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

0
45

Gudoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka ah ee EX โ€“ Banaadir Mudane Muxyadiin Xasan Afrax ayaa soo dhaweeyay Magacaabista Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta lagu soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ka dib Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomnaaliya Mudane XasanSheekh Maxamuud.

Mudane Muxudiin Xasan Afrax ayaa sheegay in Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale lagu Xusuusto Wax qabad Wanaagsan Xilligii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahana Duqa Magaalada Muqdisho Waxqabadkiisa uu wanaagsaan haatan oo mar kale Gudoomiyaha Gobolkka Banaadir loo soo magacaabay uu rajeeynayo  in uu ka shaqeeyo Hormarka Gobolka Banaadir & Bilicda Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeeyntiiโ€™ Gudoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Ex- Banaadir Muxudiin Xasan Afrax ayaa ka hadlay Abaarta ka jirta dalka โ€˜isagaย  oo codsaday in loo Gurmado dadka ay saameeysay Abaarta.

Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Gudoomiyaha Dallada Bulshada Rayidka ah ee Ex Banaadir Mudane Muxudiin Xasan Afrax:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here