Dhageyso: Qaar ka mid ah Waxgaradka Muqdisho oo Dhaliilay Magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho

0
53

Nabadoon Axmed Maxamed Calisoow oo loo yaqaan Nabadoon (Kaanti)  kana Mid ah Odyaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Banaadir ayaa kulan ay maanta Isugu yimaadeen uga soo horjeesta Magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Nabadoon ( Kaanti )  ayaa sheegay in Magacaabista Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho ay xaq u leyihiin in laga soo dhex magacaabo Beelaha Degamada Magalada Muqdisho qaarkood.

Nabadoon (kaanti) ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne xasan sheekh uu jagooyin badan uu u diiday Beesha maanta Maanta kulanka ku yeelatay Magaalada Muqdisho ee ka soo horjeesatay Magacaabista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho isaga oo ku baaqay inla Ixtiraam xaqa ay leeyihiin Beelaha Muqdisho dega.

Halkaan Hoose ka Dhageyso waraysiga Nabadoon Kaanti:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here