Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulan aan caadi aheyn, kaas oo looga hadlayo xaalada guud ee Soomaaliya.
Kulanka oo bilaabanaya 5:00 galab ee maanta Waqtiga PM ayaa diirada lagu saari doonaa Amniga iyo Abaaraha ka jira Soomaaliya. Waxaana khudbad ka jeedin doona Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.
kulanka Golaha Ammaanka QM ayaa imaanaya iyadoo xaalada Abaarta ee ka jirta Soomaaliya ay sii korortay sidoo kalena goobhihii Dadka shacabka Gar gaarka loo marsziin lahaa ay go’doomiyeen Al-Shabaab ay ku beegsanayaan dadka shacabka.