Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan ku wajahan Dalka Sacuudi Carabiya

0
23

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu u socdaalo maalmaha soo socda magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh u soo dirtay casuumaad rasmi ah, isagoo inta uu ku sugan yahay Riyadh kulamo la qaadan doona Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweyne Xassan ayaa Kab dhaqaale iyo Mashaariic horumarineed weydiisan doona Boqortooyada Sacuudi Careebiya, oo kamid ah dalalka xulufada la ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sacuudi Carabiya ayaa horey $50 milyan oo dollar u siisay Soomaaliya, bilowgii 2018-kii, balse waxay hakiyeen Mashaariic horumarineed oo ay balan-qaadeen March-2017-kii, markii uu bilowday khilaafkii Khaliijka oo ay dawladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Farmaajo diiday in ay kubiirto wadamada cunaqabateynta saaray Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here