Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya & ku xigeenkiisa oo la kulmay Wafdi ka socday safaarada Findland ee Soomaaliya

0
34

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay Safiirka Dawlada Finland u qaabilsan Soomaaliya Mr. Pirkka Tapiola.

Qodobbada laga hadlay kulanka waxaa ka mid ahaa Dib-u-heshiisiinta, Dhismaha maamulka deegaanka iyo xasilinta oo ah meelo ay dowladda Finland uga is qeyb qaadato dowlad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale ‘ safiirka Finland Soomaaliya Mr. Pirkka Tapiola ayaa sheegay sida dalkiisu uga goโ€™antahay taageerrada Soomaaliya isaga oo intaa raaciyey in saxiibada Soomaaliya ee caalamka ay dhiirigelinayaan dadaalka iyo hindisaha dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa ku ammaanay dowladda Finland sida ay garab istaag ugu sameysay Soomaaliya muddo dheer, gaar ahaan doorka ay ka qaadatay dib u heshiisiinta iyo dhismaha dowladaha hoose, waxaa uuna xusay in wasaaraddiisu ay ku dadaali doonto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeynayaan heyโ€™adaha laga leeyahay Finland ee mashaariicda kala duwan ka wada gudaha Soomaaliya.

Kulanka oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen wariidu dowlaha wasaaradda Ilyaas Cali Xasan, ku xigeenka wasiirka Cabdixakiin Xasan Ashkir iyo masโ€™uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here