Ciidanka Xoogga Dalka oo sheegay in Hawlgal ay ku soo qabteen Xubin ka Tirsan Alshabaab

0
28

Wararka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya Ciidanka Kumaandooska Danab, gaar ahaan Ururka 5-aad guutada-16 ee Xoogga Dalka Soomaaliya ay howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan Jubada Hose ‘ waxaaana degaanadaasi ay kala ah Yaaq Bishaar, Buulo-xaaji, Kaam-jirroon iyo degaanka Warta Biloow oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Intii uu socday howlgalkan ayaa lagu soo qabtay Xubin Alshabaab u qaabbilsanaa Miinooyinka, kaas oo lagu magacabo, Xasan Cabdullaahi Abshir,halka magaciisa afgarashaduna uu yahay Abuu Faaruq.

Howlgalka ayaa lagu dilay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Danab , sidoo kale waxay Ciidanku soo saareen Miinooyin ay dhulka ku ay ku aaseen Alshabaab , sida uu sheegay Taliyaha Ururka 5-aad, guutada 16-aad ee kumaandooska Danab, Taliye Carab Dheeg Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here