Dawlada Ruushka oo fariin u soo dirtay Dawlada Soomaaliya & Maamul Goboleedyada

0
38

Wakiilka Qaramada Midoobay U Fadhiya Ruushka, Vadim Kirpichenko oo khudbad ka jeedinayay kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in loo baahan yahay xaqiijinta sharafta iyo midnimadda dhuleed ee Soomaaliya.

Dawladda Ruushka ayaa ka hadashay xaalada guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo siyaasadda, isagoo u jeediyay madaxda Jubbaland, Puntland iyo Soomaaliland inay Dawladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeeyaan daadejinta nidaamka Federaalka ee Dalka .

Ruushka kuma leh Saameeyn badan Soomaaliya , balse Kirpichenko ayaa muujiyay sida ay Moscow u dooneyso wada shaqeynta tooska ah ee Muqdisho.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa ka jeediyay Golaha Ammaanka QM warbixin ku saabsan marxalada dalka, isagoo sheegay inay kordheen weerarada argagixisada ah ee Al-Shabaab, ku beegsanayaan shacabka.

Wakiilka Ruushka ee QM, ayaa sheegay in Moscow ka walaacsan tahay kororka weerarada Al-Shabaab & Daacish , isagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka looga soo horjeedo kooxahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here