Dhageyso : Ciidanka Xoogga Dalka oo la Wareegay degaano ka Tirsan Gobolka Hiiraan

0
41

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gorgor oo kaashanaya ciidanka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay dhul buuraleey ah oo ku yaala gobolka Hiiraan oo ay Saldhig weyn ku lahayeen Al-shabaab.

Ciidamada iskaashanaya ayaa howlgalkooda si gaar ah uga fuliyay buurta Dacaaroow oo ka mid ah dhulka buuraleyda ah ee gobolka Hiiraan, waxaana la tilmaamay in halkaasi ciidamada iskaashanaya ay dagaalo xoogan kula galeen Al-shabaabkii ku sugna buurta Dacaaroow.

Sarkaal ayaa sheegay in howlgalka ciidamada Gorgor iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen buurta Dacaaroow ay ku dileen 6 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale ay u suurta gashay iney soo furtaan ku dhawaad afar boqol oo neef oo ari ah, kuwaas oo la sheegay in shabaab ay ka wateen dad reer Miyi ah.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalada ka dhacay deegaanka Dacaaroow ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalada noocaan ah ay sii wadi doonaan inta ay Al-shabaab ka saarayaan guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.

Sidoo kaleโ€™ Taliyihii Hore Qaybta 27 aad ee ciidanka Xooga dalka Somalia janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) ayaa Bogaadiyay Dagaalada Kadhan ah alshabaab ee kasocda qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here