Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa ka hadlay qorshaha dowladda ee ku aadan daadajinta iyo bixinta adeegga caafimaadka ee loogu talagalay qeynaha bulshada.
Wasiirka sheegay in lixda bilood ee soo socota loo howlgali doono qalabeynta cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.
Wasiirka Caafimaadka Xukuumaadda Feseraalka Soomaaliya ayaa Sidoo kale ‘ sheegay in ay u socdaan bixinta iyo fidinta adeeggyada caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada,isagoo qiray in dhinacoda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xagga caafimaadka ee loogu talagalay dadka ka soo barakacay abaaraha.
Ugu dambeeyntii’ Wasiirka ayaa Tilmaamay in ay wadaan dadaal ku aadan diiwaangalinta shaqaalaha ku howlan caafimaadka iyo sidii loo heli lahaa tababarro iyo aqoon guud oo ku filan xubnaha caafimaadka .