Taariikh nololeedka boqorad Elizabeth II oo geeriyootay

0
34

Elizabeth Alexandra Mary Windsor waxa ay 21-kii bishii Abriil 1926-kii ku dhalatay, guri ku yaalla nawaaxiga fagaaraha Berkeley Square ee magaalada London, iyadoo ahayd ilmihii ugu horreeyay ee u dhashay Albert, oo ahaa amiirka York, ahaana wiilka 2-aad ee uu dhalay George V, hooyadeedna waxay ahayd xaaskii hore ee Albert, taasoo ahayd Elizabeth Bowes-Lyon.

Xukunka waqtiga dheer ee boqorad Elizabeth II waxaa uu calaamad u ahaa awooddeeda ku aaddan gudashada waajibaadka iyo sida ay uga go’an tahay in ay u hagar-baxdo xilkeeda iyo shacabkaba.

Dad badan waxa ay u noqotay qodobka kaliya ee ay u sababeynayeen isbeddelka caalamka, xilli saameyntii Britain ee dunida la wiiqay, bulshadana ay isku beddeshay si gabi ahaan ah isla markaana maamulka boqortooyada qudhiisa ay su’aal ka taagneyd.

Guusha ay ka gaartay sii ambaqaadista maamulka boqortooyada xilli sidaas u adkaa ayaa xitaa ah mid xusuus mudan maaddaama, waqtigii ay dhalaneysay, uusan jirin qof xitaa saadaalin karay in ay iyadu noqon doonto boqoradda.

Elizabeth iyo walaasheed Margaret Rose, oo iyaduna dhalatay 1930-kii waxa ay labadooduba wax ku barteen guriga, waxaana ay ku koreen jawiga aadka loo jecleysto ee qoyska boqortooyada.

Elizabeth waxa ay si aad ah ugu wada dhaweyd aabbeheed iyo awowgeed George V labadoodaba.

Iyadoo lix sano jir ah, Elizabeth waxa ay tababareheedii farda-fuulista u sheegtay in ay rabtay inay noqoto “Marwada dalka, ayna yeelato fardo iyo eeyo tiro badan”.

Waxaa la sheegay in ay muujisay dareen aad u cajiib badan oo dhanka masuuliyadda ah, xilli ay da’deeda aad u yareyd. Winston Churchill, oo markii dambe Britain ka noqday raysul wasaare ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in ay sameysatay maamul male-awaal ah “masuuliyad aan jirin oo la iska mala-awaasho, taasoo ay cajiib tahay in uu la yimaado cunug yar”.

Inkastoo aysan iskuul aadin, Elizabeth waxa ay caddeysay in ay ku fiican tahay luuqadaha, waxaana ay daraasad qotadheer ku sameysay taariikhda dhanka dastuurka.

Gole gaar ah oo loogu talagalay gabdhaha, oo ahaa kii ugu horreeyay ee laga abuuro qasriga Buckingham, ayaa loo sameeyay si ay isdhexgal ula sameyso gabdhaha da’deeda ah.

Markii uu geeriyooday boqor George V sanadkii 1936-kii, wiilkiisii curadka ahaa, oo loo yaqaannay David, ayaa noqday Edward VIII.

Hase ahaatee, guurkiisii haweeney Mareykan ah oo carmal ahayd oo labo jeer lasoo furay ee lagu magacaabi jiray Wallis Simpson, ayaa u muuqday mid aan loo aqbali karin sababo la xiriira siyaasad iyo diin ahaanba.

Waxaa xilkii boqornimo laga xayuubiyay dabayaaqadii sanadkaas.

Amiirkii gobolka York oo aan markii hore rajo ka qabin boqornimada ayaa sidaas ku noqday boqor George VI.

Fursadda uu ku helay xilka boqortooyada ayaa siisay Elizabeth fursad ay boqortooyada ugu noqoto mid iyada u keydsan, waxaana ay goor dambe qoraal ku sheegtay in ay xukunka ku heshay “si aad, iyo aad cajiib u ah”.

Si looga hor tago saameynta xiisadihii Europe ee sii kordhayay, boqorka cusub, oo ay wehelineysay xaaskiisa boqorad Elizabeth, waxa ay go’aansadeen in ay dib u habeeyaan aaminaadda ay shacabka ku qabaan maamulka boqortooyada. Tusaalehooda ma uusan luminin gabadhooda weyn.

Sanadkii 1939-kii, amiiradda oo xilligaas 13 sano jirka ah ayaa ku wehelisay boqorka iyo boqoradda booqasho ay ku tagayeen dugsiga tababarka ciidamada badda ee boqortooyada, kaasoo ku yaallay magaalada Dartmouth.

Iyada oo ay la socotay walaasheed Margaret, waxaa waardiye looga dhigay mid ka mid ah ciidankii tababarka ku jiray, kaasoo ahaa ina abtigeed saddexaad, waana Amiir Philip oo kasoo jeeday Giriigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here