Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamada dowladdu ka sameeyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeella Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaas oo magaciisa lagu soo gaabiyay Carab oo ahaa ku xigeenka Al-shabaab ee ugu qaabilsanaa deegaankaas.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, howlgalkan ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 10 kale oo uu ka mid ahaa nin lagu sheegay Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii Al-shabaab ee Mubaarak.
War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu bartilmaameedsaday xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ‘ku aruurin jireen lacagaha Zakawaadka ay ka qaadaan shacabka gobolka Shabeellaha Hoose.’
“Dowladda Soomaaliya iyada oo kaashaneysa shacabka, waxaa ka go’an tirtirista argagixisada Al-shabaab” ayuu lagu yiri bayaankaa wasaaradda warfaafinta.