Dhageyso: Shir U dhexeya Madaxda Dawlada Federaalka & Dawlad Gobooleedyada Dalka oo ka Furmaya Muqdisho

0
42

Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho maalmaha soo socda uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka, si xal looga gaaro caqabado badan oo la tilmaamay iney ka dhex jiraan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirka ayaa wararka hordhaca ah ee aan heleyno ay sheegayaan inuu furmi doono maalinta Isniinta ah, waxaana madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka waxay uga wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dhinac, Amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, Abaaraha iyo qodobo kale.

Abaabulka iyo diyaar garoowga shirka madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ee lagu wado inuu Muqdisho ku dhexmaro labada dhinac ayaa si weyn looga dareemaya diyaar garoowgiisa Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa noqday madaxweynahii ugu horeeyay ee maamul goboleedyada dalka oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Arimaha Gudaha Fadareelka Soomalia Ahmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in uu shirka Furmi Doono 11 Bishaan oo ku beegan Maalinta Beri ah

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Sheegay in Shirka Diirada lagu saaridoono Caqabadaha Dalka Kajira sida dagaalka Kadhan ka ah Alshabaab ee Kasoconaya Qaybo kamid ah Gobolada Dalka

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa isagana ka mid ahaa madaxdii Maanta soo gaartay Magaalada Muqdisho ee la filayo in ay shirka ka qayb galaan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in Maanta iyo berito ay soo gaari doonaan magaalada Muqdisho madaxweynayaasha kale ee dowlad goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here