Wararka ka imaanaya Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhjexeya laba Maleeshiyo Beeleed uu ka dhacay degaan u dhexeya Degmooyinka Cadalle iyo Raaga Ceelle Gobolka shabeelaha Dhexe.
Dagaal ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac waxaana inta la ogyahay ku dhintay Hal Ruux halka Tiro kalana ay ku dhaawacmeen
Degaanka Dirin oo ka mid ah degaanada Gobolka shabeelaha Dhexe kuna yaala wada xiriirisa Degmooyinka Cadalle & Raage Ceelle ayaa dagaalka ka dhacay mana jirto Cid illa hadda Cid kala dhex gashay.
Wararka ayaa sheegaya in labada Maleeshiyo Beeleed Guryo ay iska Gubeen Hub Culusna ay isu Adeegsadeen