Faah Faahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Baay

0
32

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Qarax Miino oo nuuca dhulka lagu aaso ahaa oo ka dhacay degaanka ceeldheere  ee ka tirsan degmada Bardaale ee Gobolka Baay, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad Shacab ah.

Qaraxa miino ayaa qabsaday Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Sacab ah oo mareysay degaanka Ceeldheere, waxaana ka agdhawaa  ay sheegeen in ilaa Saddex Ruux ay ku geeriyoodeen laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay qaraxa ayaa waxaa la geeyay degmada Bardaale si kuwa geeriyooday loo Aaso kuwa dhaawacmayna loogu daaweeyo Isbitaalka degmadaas.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed eek u sugan degmada Bardaale ayaa ku baxay oobta uu ka dhacay qaraxa, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo miino baaris ah, iyada oo laga cabsi qabay inay miinooyin kale ku aasan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here