Qarax Miino oo ka dhacay Maanta Magaalada Baladweyne

0
47

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka dhacay qarax haleelay gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan Booliiska magaalada Baledweyne, gaar ahaan kuwa miino baarista xili uu maraayay wadada laamiga ah ee isku xirta gudaha magaalada iyo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Gaariga ayaa la sheegay inuu qaraxa ku qabsaday Xaafada Xaawo taako gaar ahaan laanta Nuur Xawaad ee Magaalada Baladweyne waxaana ku waxyeeloobay gaartay sadax askari oo ka mid ahaa ciidankii saarna gaari dhaawac uu soo gaaray .

Ciidanka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay iney ahayeen kuwa miino baarista ah ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Baledweyne, waxaana dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalka ciidamada ATMIS ay ku leeyIhiin Xaafada Ceeljaalle ee Magaalada Baledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here