Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka qaybgalay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoomiyay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamud.
Shirka oo maanta ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa waxa looga hadlayaa arrimaha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan gurmadka abaaraha, sugidda amniga dalka iyo la dagaallanka Alshabaab .




