Taliska Booliska Somaliland ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degano katirsan gobolka Maroodi-jeex waxaa ay gacanta kusoo dhigeen laba Rag ah oo siyaabo kala duwan dad Shacab ahaa ugu dilay Gobolkaas.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland ayaa lagu sheegay in Ciidamada booliska ay gacanta kusoo dhigeen eedaysane Cabdiqani Xuseen Maxamed oo loo heysto in uu dilay 1 /9/2022 Marxuum Ibraahim Dayac Yaasiin, dilkaasi oo ka dhacay Magaalada Darasalaam degmada Sabowanaag Gobolka Maroodi Jeex.
Sidoo kale’ Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Gacanta ku soo dhigay Eedaysane Nuur Cabdi Aw Yuusuf oo 45 jir ah kuna eedaysan in uu dilay 8/9/2022 Marxuum Cali Cabdi Aw Yuusuf, Dilkaasi oo ka dhacay Tuulada Xorfada degmada Sabowanaag ee Gobolka Maroodi Jeex.
Gabagabadii Taliska Booliska Somaliland ayaa ugu baaqay cid kasta oo isku dayda amni darro iyo khalkhal galinta amniga in gacan bir ah lagu qaban doono., iyaga oo Shacabka Somaliland ku amaanay kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba lasoo wadaagaan, waxa uuna ka codsaday in ay kor usii qaadaan la shaqeynta Ciidanka Booliska.